Bortland, Oregon
- Kani waa maqaal ku saabsan caasimada Portland, Oregon, Maraykanka. Haku khaldin caasimada Portland, Maine.
- Boga "Portland" waxaa laga soo toosiyay halkan.
Bortland, Oregon | |
---|---|
Caasimada Bortland | |
Kor ilaa hoos, midig ilaa bidix: Muuqaalka hawada sare ee koonfurgalbeed Bortland; Buundada St. Johns; Beerta Caalamita Rose Test; Reed College; boosteejo Tareenka fudud MAX Rail; Haalka xafladaha Arlene Schnitzer; iyo Huteelka Benson Hotel | |
Nickname(s): "Caasimada Ubaxa"; "Stumptown"; "PDX"; fiiri naaneysaha Bortland ayagoo dhamaystiran. | |
Wadan | Maraykanka |
Gobol | Oregon |
Degmooyin | Multnomah, Washington, Clackamas |
La aasaasay | 1845 |
Dowlad hoose | Febraayo 8, 1851 |
Named for | Portland, Maine |
Dowlada | |
• Nuuca | Maamulka Caasimada |
• Duqa-magaalada | Jarlie Hales[1] (D) |
• Golaha | Steve Novick Dan Saltzman Nick Fish Amanda Fritz |
• Auditor | LaVonne Griffin-Valade |
Area | 145 sq mi (376 km2) |
• Land | 133 sq mi (346 km2) |
• Water | 12 sq mi (30 km2) |
Joogga | 50 ft Ugu sareeysa: 1,188 ft 9,936 NW Wind Ridge Dr. 45°33′31″N 122°46′43″W / 45.55873°N 122.77854°W[2] Ugu hooseysa: 0.62 ft Webiga Kolumbiya & Webiga Willamette Low water 1/7/ 1,937[3] 45°39′03″N 122°45′46″W / 45.65096°N 122.76289°W ft (15.2 m) |
Tirada dadka | |
• Caasimad | 583,776 |
• Estimate (2014)[5] | 619,360 |
• Rank | US: 28aad |
• Cufnaanta dadka | 4,375.1/sq mi (1,689.2/km2) |
• Urban | 1,849,898 (US: 24aad) |
• Metro | 2,348,247 (US: 24aad) |
• CSA | 3,022,178 (US: 17aad) |
Magac kale | Portlander |
Aag saacadeed | UTC-8 (PST) |
• Xagaa (DST) | UTC-7 (PDT) |
ZIP kode | 97086-97299 |
Furaha | Area kodes 503 iyo 971 |
FIPS kode | 41-59000 |
Muuqaalka GNIS | 1136645[6] |
Website | www.portlandoregon.gov |
Bortland (ingiriis: Portland; carabi: بورتلاند) waa caasimad ku taala gobolka Oregon ee wadanka Maraykanka, iyo fadhiga dowlada Degmada Multnomah, taasi oo dhacda meel u dhow dooxada Webiga Willamette iyo Webiga Kolumbiyaa. Sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku samaysay horaantii sanadka 2010ka caasimada Bortland waxaa ku noolaa bulsho dhan 583,776,[7] taasi oo tirokoob labaad lagu sheegay ineey noqdeen 619,360 sanadkii 2014. Bortland waa caasimada 28aad ee ugu shacabka badan magaalooyinka wadanka Maraykanka. Qiyaas ahaan ilaa 2,348,247 oo dad ah ayaa ku dhaqan Bortland metropolitan waa sida lagu xusay tirokoob ay sameeysay dowlada deegaanku sanadkii 2014ka. Sidoo kale waxaa tirokoobta lagu ogaaday in Bortland iyo nawaaxigeedu noqonayaan deegaanka 24aad ee ugu shacabka badan wadanka, taasi oo gabi ahaan leh dad gaadhaya ilaa 3,022,178.
Caasimada Bortland waxaa la aasaasay sanadkii 1851kii meel u dhow dooxada Oregon Trail ee iskuxidha galbeedka iyo badhtamaha Maraykanka.[8] Nidaamka maamulka dowlada caasimadu waa mid ah Gole Caasimad ka kooban shan qof kuwaasi oo hoostaga duqa-magaalada. Waxaa iyaguna jira golo dhexe oo la soo doorto afartii sano mar kuwaasi oo ka masuul ah deegaanka Bortland metropolitan.[9] Guud ahaan maamulka caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa lagu amaanaa horumarka iyo qorshe wanaaga ay u dhiseen deegaanada Bortland iyo nawaaxigeeda.[10] Caasimadani waxay ka mid tahay meelaha ugu cagaarsan wadanka Maraykanka, taasi oo in badan amaan loogu soo jeediyo.[11]
Juquraafi ahaan, caasimada Bortland waxay dhacdaa deegaanada dooxada Willamette ee gobolka Waqooyigalbeed Baasifig; meel u dhaxaysa Badweynta Baasifik iyo Buuraha Kaskade. Caasimadu waxay leedahay cimilo degan, diirimaad ah, qalalan wakhtiga gu'ga, qaboow dhexdhexaad ah wakhtiyada jiilaalka ah. Jawiga noocaas ah wuxuu u suurtogeliyay beerida Ubaxa ay caasimadu caanka ku tahay. Naaneysaha Bortland waxaa ka mid ah "Caasimada Ubaxa" taasi oo laga soo xigtay beeraha badan ee ubaxa ka baxa Bortland iyo agagaarkeeda.[12][13] Sidoo kale Caasimada Bortland waxay caan ku tahay xarakaadka dibada (outdoor activities) sida cabitaanka bunka, koofiga, sharaabka fudud, khamriga iyo noocyada kale ee la cabo.[14][15][16][17][18]
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ka hor intaanay iman muhaajiriintii reer Yurub ee deegaanka qabsaday, waxaa mudo labo qarni ah ku noolaa deegaanka Bortland iyo agagaarkeeda Degmada Multnomah dadka asal ahaan loogu tagay qaarada Ameerika ee loo yaqaano Hindida Cas. Labad Qabiil ee ugu badnaa waa Beesha Jinook (Upper Chinook Indians) iyo Beesha Multnomah, kuwaasi oo soo raacaan Qabiilka Kaskade (Cascades Indians) waloow aanay ku badneyn deegaanka.[19]
Si kastaba ha ahaatee, goortii ay bilaabantey bililiqadii dahabka galbeedka ayaa waxaa deegaanada galbeedka Oregon yimiday dad badan oo guuraya kuwaasi oo qaar ka mid ahni sanadkii 1830kii aasaaseen tuulo yar oo markii dambe la baxdey magaca Bortland.[20] Taageero xoogan ooy ka heleen dowlada Maraykanka iyo ciidamada qalabka siday ee ku sugnaa deegaanadaasi ayaa waxay suurtogelisay in degayaashii ugu horeeyay ka aasaasan Bortland iyo agagaarkeeda beero iyo dhaqashada xoolaha.
Markay taariikhdu ahayd Febraayo 8, 1851dii waxaa lagu dhawaaqay dowlada-hoose ee magaalada Bortland taasi oo wakhtigaagi lahady shacab dhan 800 qof.[21] Waxaana wakhtigaasi la dhisay huteelo, jaraa'id, makiinado wax ridqa iyo adeeg fudud oo caasimadu leedahay.[22]
Bulshada
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Tirokoob dowlada dhexe samaysay sanadkii 2010ka waxaa lagu ogaaday in caasimada Bortland ku dhaqan tahay bulsho gaadhaysa 583,776 kuwaasi oo u habaysan 235,508 qoys. Cufka bulashada Bortland waxaa lagu sheegay 4,375.2 qof halkii mayl labo laaban (per one square mile). Sidoo kale waxaa jiray 265,439 oo aqal taasi oo keenaysa iskucelcelis ah 1989.4 qof halkii mayl labo laaban (1,236.3/km²). Dhinaca kale, koritaanka bulshada caasimada Bortland wuxuu kordhay ilaa 10.3% sanadihii u dhexeeyay 2000 iyo 2010.[23] Sida la saadaalinayo waxaa la filayaa in bulshada caasimada Bortland sii badan doonto ama labolaabmi doonto 50ka sano ee soo socda.[24]
Guud ahaan, tirokoobtu waxay bulshada Bortland u kala saartay in 76.1% yihiin Cadaan (taasi oo u dhiganta 444,254 qof), 7.1% Aasiyaan (ilaa 41,448 qof), 6.3% Dadka Madoow ama Afrikan Ameerikan (una dhiganta tiro dhan 36,778 qof), 1.0% Dadka Asal ahaan loogu yimid Ameerika (5,838), 0.5% Gasiiradaha Baasifiga (2,919), 4.7% dad ka dhashay labo ama ka badan jinsiyadood (24,437) iyo 5.0% bulshooyinka kale ah (28,987).[25] Waxaa intaas dheer ilaa 9.4% ah Hispanik ama Latino iyo guud ahaan dadka Latino, nooc kasta ooy yihiin (54,840). Cadaanka aan Hispanik ahayn waa ilaa 72.2% bulshada magaalada, taasi oo ka dhigeysa qoomiyada ugu badan deegaankaasi.[25]
Muuqaalka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Magaalooyinka Maraykanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Magaalooyinka Maraykanka | |
---|---|
Atlanta · Austin · Boston · Baltimore · Bloomington · Kolumbus, Ohio · Chicago · Dallas · Denver · Detroit · Houston · Honolulu · Kansas City · Los Angeles · Las Vegas · Memphis · Miami · Minneapolis · New York · Nashville · Oakland · Omaha · Orlando · Phoenix, Arizona · Portland · Philadelphia · Rochester · San Antonio · Saint Paul · San Diego · Seattle · San Fransisko · Washington D.C |
Gobolada Maraykanka | |
---|---|
Alabama · Alaska · Arizona · Arkansas · Delaware · Florida · Fermont · Firjiniya · Houston · Gobolka Joorjiya · Gasiirada Rhode · Galbeedka Firjiniya · Hawaii · Idaho · Illinois · Indiana · Iowa · Kansas · Kentucky · Kalifornia · Kolorado · Konektikat · Koonfur Karolina · Koonfur Dakota · Louisiana · Maine · Maryland · Massachusetts · Mishiigan · Minnesota · Mississippi · Missouri · Montana · Nebraska · Nevada · Hampshire Cusub · Jersey Cusub · Meksiko Cusub · New York (gobol) · Ohio · Oklahoma · Oregon · Pennsylvania · Tennessee · Tegsas (Texas) · Utah · Wyoming · Washington (gobol) · Waqooyi Karolina · Waqooyi Dakota |
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ . City of Portland, Oregon http://www.portlandonline.com/index.cfm?c=25999. Soo qaatay September 18, 2014. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ http://www.portlandoregon.gov/bps/article/51672
- ↑ Advanced Hydrologic Prediction Service: Portland: Columbia River at Vancouver. Water.weather.gov. Retrieved on September 6, 2013.
- ↑ . United States Census Bureau http://factfinder2.census.gov/faces/nav/jsf/pages/index.xhtml. Soo qaatay January 4, 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . United States Census Bureau http://www.census.gov/popest/data/cities/totals/2014/SUB-EST2014-3.html. Soo qaatay May 21, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . United States Geological Survey. October 25, 2007 http://geonames.usgs.gov. Soo qaatay January 31, 2008. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Nuqul Archive" (PDF). Portland State University Population Research Center. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) October 22, 2012. Soo qaatay March 7, 2013. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ . National Association of Counties http://www.naco.org/Counties/Pages/FindACounty.aspx. Soo qaatay June 7, 2011. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Nate Berg (March 1, 2012). City Lab http://www.citylab.com/politics/2012/03/only-elected-regional-government-us/1371/. Soo qaatay February 25, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Nuqul Archive". Urban Mobility Corporation. May–June 2003. Waxaa laga kaydiyay the original August 6, 2012. Soo qaatay November 7, 2006. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ Kate Sheppard (July 19, 2007). Environmental News and Commentary http://www.grist.org/article/cities3. Soo qaatay June 23, 2010. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . Frommers.com http://www.frommers.com/articles/1721.html. Soo qaatay October 20, 2008. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Portland – MSN Encarta".. Encarta.msn.com. Archived Oktoobar 29, 2009 // Wayback Machine "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2009-10-29. Soo qaatay 2015-09-16. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ . 10Best.com http://www.10best.com/destinations/oregon/portland/nightlife/brew-pubs/. Soo qaatay February 25, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . CNN.com http://www.cnn.com/2013/05/06/travel/usa-beer-towns/. Soo qaatay February 25, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . Gadling.com http://gadling.com/2010/02/26/best-cities-wold-drinking-beer/. Soo qaatay February 25, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ . Bustle.com http://www.bustle.com/articles/18032-the-10-best-cities-for-beer-lovers-these-towns-know-how-to-brew. Soo qaatay February 25, 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Nuqul Archive". BeerTutor.com. Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Labaad 24, 2015. Soo qaatay February 25, 2015. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date=
(caawin) - ↑ Marschner, Janice. Timber Press. p. 187. ISBN 978-0-88192-873-0 of portland before europeans indians&f=false http://books.google.com/?id=1-UW6M_gw48C&pg=PA187&dq=history+of+portland+before+europeans+indians#v=onepage&q=history of portland before europeans indians&f=false Hubi
|url=
value (caawin). Maqan ama ebar|title=
(caawin) - ↑ Orloff, Chet. Yearbook of the Association of Pacific Coast Geographers. 66: 114–119. doi:10.1353/pcg.2004.0006. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Population of the 100 Largest Cities and Other Urban Places in the United States: 1790 to 1990. U.S. Bureau of the Census – Population Division.
- ↑ Kennedy, Sarah. http://www.nytimes.com/fodors/top/features/travel/destinations/unitedstates/oregon/portland/fdrs_feat_121_5.html?n=Top%2FFeatures%2FTravel%2FDestinations%2FUnited+States%2FOregon%2FPortland. Soo qaatay 2014-09-26. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ "Nuqul Archive". Quickfacts.census.gov. Waxaa laga kaydiyay the original August 6, 2012. Soo qaatay September 15, 2013. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin) - ↑ Law, Steve (May 29, 2008). "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original Bisha Koobaad 15, 2013. Soo qaatay December 5, 2012. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda:|archive-date=
(caawin) - ↑ 25.0 25.1 "Nuqul Archive". Quickfacts.census.gov. Waxaa laga kaydiyay the original August 6, 2012. Soo qaatay October 17, 2012. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin)